AUN Gen. Khaliif Ciise Mudan oo Aas Qaran loogu sameeyay Garoowe (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay Aas Qaran oo Garoowe loogu sameeyay AHUN Gen. Khaliif Ciise Mudan.

Aaska Qaran waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay, Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoonka Golaha Wakiilada, Goleyaasha Dowladda, Saraakiisha Ciidamada, Culimada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.

Madaxweynaha Dowladda Puntland wuxuu markale uga tacsiyadeenaya bulshada Puntland iyo guud ahaan shacabweynaha Soomaaliya geerida AHUN Gen Khaliif Ciise Mudane, si gaar ah wuxuu Madaxweynuhu ugu tacsiyeeyay ehelkii, qoyskii iyo caruurtiisii oo uu kula kulmay Aaska.

Alle ha u naxariisto Gen Khaliif Ciise Mudan wuxuu xilal kasoo qabtay dowladii dhexe ee Soomaaliya, burburkii kadib wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii Puntland isagoo soo noqday Wasiirka Amniga. Xiligan wuxuu ahaa La taliye Madaxweyne iyo xubin ka mid ah guddiga dib-u-habeynta Ciidamada Puntland.