Madaxweynaha Jubbaland “Doorasho kuma dhaceyso sida ay maanta tahay” (VIDEO)

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudadne Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Kismaayo ee Caasimada ku meel gaarka ah ee Jubbaland, kadib safar shaqo oo uu todobaayadii ugu danbeeyey ugu maqnaa dalka dibadiisa.

Madaxweyne Axmed Madooben oo Warbaahinta kula hadley aqalka Madaxtooyada ayaa ugu horeyn ka tacsiyeeyey Dhalinyaradii xaley ay argagixisadu ku laayeen magaalada Muqdisho iyo AHU Marxuum Cabduullaahi Shigshigow oo kamid ahaa ganacsatada Jubbaland kaas oo ay maalmo ka hor argagixisadu ku dileen magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland ayaa si qoto dheer uga hadley Xaalada Siyaadadeed ee Dalka, Xaalada gobolka Gedo iyo Cabashada Musharaxiinta Madaxtinimada dalka.