Wasiirka Haweenka XFS oo soo gaaray Garoowe (VIDEO)

Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim, iyo Wafti balaaran oo isugu jiray xildhibaano, Sarentaro heer Federaal ah iyo Agaasimaha guud  ee Wasaaradda Haweenka iyo Xaquuqul Insanka Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Ujeedada Socdaalka Garoowe ee Wasiirka Haweenka XFS ayaa la xariira sidii ay kulamo ula qaadan la haayeen Haweenka Puntland, Odayaasha dhaqanka iyo Madaxdda Dowladda Puntland, islamrkaana la isaga kaashan lahaa sidii ay Haweenka Musharaxiinta ah uga mid noqo lahaayeeyn Golayaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wafti Wasiir Xaniifa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Garoowe kusoo dhaweeyey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland Marwo Sahra Cabdi Xirsi.