XOG: Farmaajo, Rooble, Qoorqoor iyo Fahad oo kulan yeeshay

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor iyo Agaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin, ayaa xalay kulan ku yeeshay Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay in kulanka looga hadlayay Arrimaha Doorashooyinka Dalka, gaar ahaan diidmada ka hortimid Guddiyada Doorashooyinka iyo culeysyada Villa Somalia ay wajahayso.

Kulankan ayaa ku soo aaday xilli xaalada siyaasadeed ee dalka ay marxalad xasaasi ah mareyso, isla markaana muran uu ka taagan yahay Guddiyadda doorasho ee dhowaan la magacaabay.