Banaan-baxyo maanta ka dhacay Magaalooyinka waa weyn ee Puntland (Sawirro)

Banaan-bax looga soo hor-jeedo sicir-bararka saameeyay Guud ahaan deegaanada Puntland ayaa maanta ka dhacay Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso.

$1 dollar ee lacagta Mareykanka ayaa gudaha Puntland maraya 50 kun oo Shilinka Soomaaliga ah, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaana wareegto uu soo saaray shalay ku joojiyay in canshuurta Dekedda Boosaaso lagu qaado Shilin Soomaali.

Dad careysan ayaa isugu soo baxay laamiga weyn ee Magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo jaray qaar kamid ah waddooyinka Magaalada, sida Wadada halbowlaha ah ee bartamaha Gaalkacyo, waxaana ay ku dhawaaqayeen erayo ay ku dalbanayaan in wax laga qabto Sicir-bararka ku yimid qiimaha Shilinka Soomaaliga.

Sidoo kale, Banaan-bax looga soo hor-jeedo Sicir-bararka iyo Go,anakin kasoo baxay shalay Madaxweynaha Puntland ayaa ka dhacay Magaalada Boosaaso, Dadka banaan-baxa dhigaya ayaana ka dalbaday Dowladda Puntland wax ka qabashada Sicir bararka.

Xukuumadda Puntland ayaa Guddi u saartay kasoo talin bixinta iyo wax ka qabashada Sicir-bararka saameeyay deegaanada Puntland, kuwaas oo soo jeediyay qodobo uu kamid yahay in la joojiyo in Canshuurta Dekedda Boosaaso lagu qaado lacagta Shilinka Soomaaliga ah, sida lagu sheegay go’aankii shalay kasoo baxay Madaxweynaha Puntland.