Booliska Soomaaliyeed oo toogtay Nin Qaraxyo aasayay (Sawirro)

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xalay nin ay sheegeen in uu aasayay miino ku toogtay degmada Wartanabada gaar ahaan waaxda Horseed sida ay xaqiijiyeen taliska Ciidanka Booliska.

Booliska ayaa in ay ka hortageen falkaan, islamarkaana ninkaan uu miinada ku aasayay agagaarka Xaafada Nation.

Sidoo kale, Ciidanka Booliska ayaa sheegay in ninkaan la toogtay ka dib markii uu isdayay in uu ka baxsado ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Maamulka degmada Warta nabada ayaa uga mahadceliyay ciidanka booliska sida ay falkaan uga hortageen, waxaana ay sheegeen in ay sii wadi doonaan baaritaanada lagu xaqiijinaayo Ammaanka.