Puntland “76 qof oo cusub ayaa cudurka AIDS-ka laga helay sanadkan” (VIDEO)

Hay’adda AIDS –ka Dowladda Puntland ee PAC ayaa magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ku qabatay munaasabad lagu xuseyay maalinta caalamiga ah ee AIDS-ka Adduunka, oo sanad walba la xuso 1-da December.

Xuska sanadkan ayaa halku dhigiisu ahaa “Isku Duubni iyo Masuliyad Wadag”, waxaa Munaasabadda intii ay socotay lagu soo bandhigay halka ay mareyso xaalada cudurka AIDS-ka ee deegaanada Puntland.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda AIDS –ka Dowladda Puntland ee PAC Cabdulqaadir Maxamed Axmed, oo munaasabadda ka jeediyay warbixinta sanadkii tagay ee cudurka AIDS-ka ayaa sheegay in Sannadkan cudurka laga baaray 3791 qof gudaha deegaanada Puntland, waxaana laga helay 68 Ruux, halka tirada guud ee dadka cudurka la nool ee deegaanada Puntland ay yihiin 527 qof.

Sidoo kale, Agaasimaha Hay’adda PAC ayaa sheegay in baaris laga sameeyay in ka badan 4 Kun oo ah Hooyooyin Uur leh, iyadoo cudurka AIDS-ka laga helay 8 Hooyo, kuwaas daawada cudurka qaata, lalana tacaalo.