Puntland oo wada howlgallo ka dhan ah Ayaxa (Sawirro)

Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland oo la tacaalaysa xakamaynta Ayaxa ku habsaday Gobolada Puntland, ayaa howlgal buufinta iyo xakamaynta ayaxa ah ka samaysay gobolada Sanaag iyo Haylaan ee Puntland oo ayax cusubi ku habsaday.

Wasaaraddu Deegaanka Puntland ayaa howlgaladan u istimaacshay diyaarado iyo gaadiid loogu talagalay sumaynta Ayaxa, iyadoo tani ay qayb ka tahay dadaalada Wasaaraddu ay ugu jirto xakamaynta iyo la dagaalanka Ayaxa.