Wasaaradda Waxbarashada XFS oo qiratay fashil ku dhacay (Akhriso)

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayay ku qiratay Wasaaraddu in manhajka cusub ee dhawaan ay soo daabacday uu ku baxay cabir qaldan oo laga qoray dheerarka badda Soomaaliya.

Manhajka cusub ee dowladda Buugiisa maadada Juqraafiga – fasalka 4-aad ee dugsiga sare ayaa qoraya in badda Soomaaliya dheerarkeedu uu yahay 2800 oo KM, halka cabirka saxda ah ee biyaha Soomaaliya uu yahay 3333-KM.