Maxaad kal socotaa Taariikhda ku duugan Sawir-gacmeedka kuu muuqda ? (QORMO)

Sawir gacmeedka naagtaan naas nuujinaysa nin kaan oday ah oo ku jira xabsiga ayaa lagu iibiyey 30 milyan oo Euro. Sawirka waxa uu kula muuqan kara mid dhaqan iyo anshax ahaan aad u qaldan, laakiin sheekada ka dambeysa waxay ka timid diiwaanada taariikhiga ah.

Nin kaan odayga ah waxaa lagu xukumay “death by starvation” “dhimasho gaajo ama si kale hadii aan u dhigo gaajo nafta looga qaado” kadib marki uu xaday hal xabo oo rooti ah intii uu jiray xukunkii Louis XIV oo ahaa boqorki Faransiiska 14ki May 1643 ilaa uu ka dhinto 1715.

Haweeneyda aad aragtaan waxeey aheeyd gabadha kaliya ee uu odayga dhalay ee loo ogola in ay soo booqato qolka uu xabsiga kaga jiro. Waxaa loo ogolaa inay soo booqato maalin kasta laakiin waxaa loo baarijiray si aan caadi aheeyn si loo hubiyo in aysan wax cunto ah wadin, waayo aabaheed wuxuu ku xukumana in gaajo qudha looga jaro.

5 bilood ka dib odaygii wali waa sidiisi in uu gaajo u geeriyooda iskaba daaye xita jirkiisa isma uu badalin, masuuliyiinti oo uu ku jiro boqorka weey yaabeen oo ay amakaageen waxeeyna bilaabeen inay gabadha dhaqdhaqaaqeeeda booqashada basaasaan waxeeyna ogaadeen oo ay arkeen in naagta ay aabbaheed nuujiso caanaha naaskeeda.

Garsoorayaashii markaa waxay ogaadeen naxariista iyo jacaylka haweeneydu u qabto aabaheed, sidaas aawgeeda ayaa odaygi lagu cafiyay oo looga dhigay xor.

Qaybtan taariikhdu waxay diiradda saaraysaa sida qotada dheer ee naxariista haweenka ugu jirto nolol maalmeedkeenna, lakiin raggu inta badan weey iska indhatiraan.

W/Q: Mohammed Omar Hussein