Golaha Wasiirada Somaliland oo ansixiyey Miisaaniyadda 2021 (VIDEO)

Kulan aan caadi aheyn oo ay yeesheen Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayay ku ansixiyeen Miisaaniyad-sannadeedka 2021, taas oo dhan 2,882,000,000,000 (laba tiriiliyan iyo siddeed boqol laba iyo siddeetan bilyan).