Puntland: Shirkadaha Isgaarsiinta oo dhaqan galiyay Amar kasoo baxay Dowladda

Shirkadaha Isgaarsiinta ee ka howlgalla deegaanada Puntland ayaa caawa dhaqan-galiyay Amar kasoo baxay Dowladda Puntland, kaas oo la xariiray in aan Telefoonada la isugu diri karin $1 iyo wixii ka yar.

Amarka ayaa waxaa dhaqan galiyay Shirkadaha Isgaarsiinta ee Golis iyo Somtel iyo dhamaan Shirkadaha kale ee howlgalla deegaanada Puntland.

Talaabadan ayaa looga gol lee yahay in la dhimo Sicir-bararka ka taagan deegaanada Puntland, iyo socod siinta Lacagta Shilinka Soomaaliga oo laga diiday maalmihii u dambeeyay inta badan deegaanada Puntland.