Gabar Somaliya mudo la baafinay oo la helay

Gabar Soomaali ah oo la baafinayey mudo dheer tan iyo Juun 2014-kii, ayaa 6 sano waxayna kasoo muuqatay maxaabiista Suuriya lagu hayo gaar ahaan xaasaskii kooxdii Daacish.

Nasra Abuukar ayaa ka tagtay guriga qoyskeeda oo ku yaala koonfurta London, iyadoo xilligaa 18-jir ahayd.

Waxaana la xaqiijiyey inay Suuriya u safartay oo ay halkaa ku guursatey nin Daacish ka tirsanaa.

Nasra waxay hada ku jirtaa xeryaha ay Kurdigu maamulaan ee woqooyi bari Suuriya.

Nasra waxay doonaysaa inay dib ugu laabato Britain, iyadoo dhalashadii British-ka lagala laabtay .

Waxaa la helay farriimo ay soo dhigtay baraha bulshada, 2015-kii iyadoo ku faraxsan weerar ka dhacay Paris, oo lagu diley 130 qofood, isla markaana dhiirri gelineysey in lagu hoos noolaado Khilaafada Daacish sida lagu qoray The Times.

Nasra hooyadeed oo lagu magacaabo Kaaha, ayaa walaac ka muujisay in gabadheedu ay guursatey nin Daacish ah, iyadoo sheegtay in aanay wax ”xiriir ah la lahayn, ninkeedana aanay aqoonin”,

balse mar la waydiiyey inay jeclaan lahayd inay la midowdo gabadheeda iyo wiilka ay ayeeyada u tahay, waxay sheegtay inaysan iyadu waxba ka qaban karin oo ay u taallo Dowladda UK.

JUBBA.