Video:-Dhabancad oo kasoo huleelay Iskushuban

Dhabancad oo Isku shuban laga soo saaray.

Ururada Mideeye iyo Kaah,ayaa dagaal siyaasadeed kulul ku dhexmaray Degmada Iskushuban,waxaana ku adkaaday Ururka Mideeye.

Odoyaal saamayn ku leh Deegaanka oo loo tirinayo Ururka Mideeye Karkaar iyo Cabdicasiis Boqor,ayaa hor istaagay qorshihii Kaah ee ay hor boodayeen Wasiirada kala ah Dhabancad iyo Ina Taaraan.

Ugu danbayn Dhabancad waa iskaga soo huleelay Degmada,iyadoo aysan waxba ka socon Golihii Deegaanka iyo wax qaybtiisi.

Dhabancad Degmadii 3-aad oo uu ku fashilmo dhisida Golaheeda Deegaanka,ayuu wajahay mudo gaaban.

Jibril Qoobey.

Halkan ka daawo muuqaalka