MADAXWEYNAHA OO KORMEERAY WASAARADAHA CAAFIMAADKA IYO DEEGAANKA.

MADAXWEYNAHA OO KORMEERAY WASAARADAHA CAAFIMAADKA IYO DEEGAANKA.

Garoowe: 09, December, 2020:
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeeray Wasaaradda Degaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada iyo Wasaaradda Caafimaadka.

Madaxweynaha ayaa kormeeray qaybta ladagaalanka Ayaxa ee Wasaaradda Deegaanka iyo dhammaan xafiisyada Wasaaradda, waxa uu la kulmay Shaqaalaha Wasaaradda ee xarumaha Saadaasha Cimilada ee degmooyinka Puntland oo ku Jira tababar, waxaana uu kulan la qaatay Masuuliyiinta Wasaaradda oo ay weheliyaan Guddiga dhowaan dowladdu u saartay Ayaxa, halkaasi oo ay ku kala xog qaateen.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa kormeeray Wasaaradda Caafimaadka qaybta wicidda deg-degga ah ee ka jawaabidda cabashada caabuqa Covid-19, qaybta kaydka daawooyinka, isagoo Masuuliyiinta Wasaaradda kala qeybgalay Shirka dib-u-eegista xogta Caafimaadka Puntland oo ka socda xarunta Wasaaradda Caafimaadka.

Kormeerka Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni uu ku marayey Xarumaha Dowladda ayaa ku qotoma korjoogtaynta shaqooyinka muhiim ka ah ee ay u hayaan bulshada Wasaaradaha iyo hay’addaha Dowladdu.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.