Alshabaab oo Hub ka helay Dowlada Somaliya

Cunna-qabateynta Hubka Soomaaliya
Sannadkii 2019-kii ayay ahayd markii Qaramada Midoobeey ay muddo sannad ah ku kordhisay cunna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Warbixin ay gudbiyeen khubaro ka tirsan Qaramada Midoobeey oo baaritaan ku sameeyay cunna-qabateynta hubka ayaa sheegay “in marar kala duwan la jebiyay cunaqabateynta”, uuna Soomaaliya “galo hub sharci darro ah”.

Bishii Agoosto ee 2019, koox khubaro ah ayaa diiwan geliyay hub dhan 38 qori, kuwaas oo lagu iibinayay suuqa hubka madow ee kooxaha hubka ka ganacsada, kuwaas oo leh sumada hubka ay dowladda la soo degtay.

Kooxda khubarada ee Qaramada Midoobay waxaa kale oo ay dabagaleen qaar kamid ah hub lahaa sumadda dowladda oo ay la soo degtay Sabtemabr, 2014-kii, Juun 2017-ka iyo July 2017-kii.

93 kamid ah bastooladaha ay la soo degtay dowladda federaalka ayaa waxaa ka muuqatay cadeymo muujinaya in la isku dayay in laga fujiyo sumadda dowladda, tallaabadaas oo ah middii ugu horeesay ee ay arkaan khubarada.

Cadeymo ay khubarada ka heleen saddex qof oo ka ganacsada hubka waxaa ay xaqiijiyeen in hubka dowladda ay ” iibsadaan saraakiil sare iyo kuwa xilal hoose ka haya ciidanka dowladda”.

Kooxda khubarada Qaramada Midoobay waxay diwaangeliyeen hub ay Al Shabaab kala wareegtay dowladda, hubkaas oo ay ka mid yihiin qoryo, rasaas, baabuur iyo basuukayaal iyo baaburta gaashaaman ee Dowladda.