Kenya oo si masuuliyad leh ugu jawaabtay Villa Somaliya

Dowlada Kenya,ayaa ugu jawaabtay Nabad iyo Nolol si asluubaysan oo bissyl iyo masuuliyadi ka muuqato.

Afhayeenka Dowlada Kenya war usoo saaray,ayuu kaga jawaabay talaabadii Villa Somaliya.

“Ma sameyn karno wax la mid ah wixii ay Soomaaliya sameysay,hadii aan sidaa yeelno waxay umuuqataa aargudasho,waxaan u ogolaan doonaa IGAD iyo Comesa in ay la wareegaan howshan, ”ayuu yiri Cyrus Oguna, Afhayeenka dawladda Kenya.

Dad badan,ayaa u arka talaabada Farmaajo iyo Fahad ku dhaqaaqeen masuuliyad daro,fudayd iyo ilaasasho dano gaar ah.