Kaaraan oo ay la wareegeen Ciidan Beeleed

Xaafada Kaaraan waxaa maanta qabsaday Ciidan Beeleed,kuwaasoo Saldhigii Booliska la wareegay.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac iskugu jira,ayaa ka dhashay qabsashadaas.

Ciidankii Dowladu waa kasoo carareen,waxaana laga reebtay Hub.

Dowladu Ciidan xoojina ayay udirtay,balse caawa ayay dib uga soo laabteen.

Xiligan waxaa Xaafadaas gacanta ku haya Ciidan Beeleed.

Dhanka kale Musharaxiinta kulanka bakaaran ee ay soo qabanqaabiyeen dartiis waxay xirteen Km-4.

Jibril Qoobey.