Siyaasiyiinta reer Waqooyi oo ku kulmaya Garowe

Isu imaantinka Siyaasiinta, Aqoon yahanka, Madaxda & Ururada Bulshada ee ku kulanka Garowe,Caasimadda Puntland waxay muujinaysaa sida ay muhiim u tahay in salka loo dhigo siyaasadda kala firirsan ee Soomaaliya.

Arrinta ugu Muhiimsan waa ergada & Wax Garadka Reer Waqooyi oo kusoo qul-qulaya Garowe.

Dowladda PL & Shacabkeeda ayay uga Mahad cesheen isu keenida Siyaasiinta Reer Waqooyi ee Golayaasha Dowladda Federalka Somaliya ku wada jira, si loo xalliyo khilaafka & is fahandarada dhextaal, gaar ahaan Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdixaashi & Raysal Wasaare Ku xigeenka DFS Mahdi Guleed.

Waxgaradka Reer Waqooyi ee Garoowe soo gaaray waxay door wayn ku yeelan doonaan abaa-bulka howshaas, si ay u sahlanaato soo xulista Xildhibaanada Bulshada Reer Waqooyi, gaar ahaan Beesha Reer Shiikh Isxaaq.

Garowe waa meesha kaliya ee ergooyinka Reer Shiikh Isxaaq ku Kulmi karaan marka loo eego dhawanaanshaha.

Jibril Qoobey.