Maxamuud Sayid oo amar dul dhigay laamaha amaanka Jubaland

Kusimaha Madaxweynaha Jubbaland ahna Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayi Aadan ayaa ka tacsiyeeyey geerida AUN Xildhibaan Khaliif Haashim Nuur Geeddi oo katirsanaa golaha wakiilada Jubbaland, Xildhibaanka ayaa geeriyooday kadib markii kooxaha Argagixisadu ay qarax ugu xireen gaarigiisa. Madaxweynaha ayaa guud ahaan dadka Jubbaland, golaha wakiilada Jubbaland iyo ehelada uga tacsiyeeyey geerida Xildhibaanka

Laamaha amniga ayuu faray in ay dabagal ku sameeyaan kooxaha Argagixisada katirsan ee ka dambeeyey falkaan si gacanta loogu dhigo kadibna loo horgeeyo sharciga.