Boqorka Daarood oo soo dhaweeyay heshiiska gacanka!

Boqorka Daarood oo soo dhaweeyay heshiiska gacanka!

Boqor Burhaan Boqor Muuse boqorka beesha Daarood ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay ku heshiiyeen dalalka walaalaha ah ee Sacuudiga iyo Qatar; isagoo bogaadiyay tallaabada hordhaca ah ee furidda Xuduudaha cirka iyo dhulka ee labadaa dal.

Boqorka ayaa intaa ku daray war-murtiyeed uu soo saaray maanta kuna qornaa Afka-Carabiga “ waxaan bogaadin iyo mahad-celinba u dirayaa dowladda Kuwayd oo dadaal midho-dhal leh ka soo hooyday heshiisiintaan taarikhiga ah, waa mid baal dahabi ah ku qormi doonta oo la xusi doono.”

Boqorka waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in khilaafkii la dhameeyay. Wuxuuna hoosta ka xariiqay in wixi khilaafkaan keenay gunta laga soo xalliyo, si ayan u soo laaban mar kale.

Wuxuu kaloo boqorku ugu yeeray – dowladihi kale ee qaybta ka ahaa go’doominta Qadar- in ay qayb ka noqdaan geeddi-socodka nabadeed ee lagu dhayayo boogihii ay keentay go’doomintu; kuna daydaan sucuudiga tubta wanaagsan ee qaaday.

Boqorku wuxuu u mahad celiyay dowladda Kuweyt wuxuuna ku amaanay dadaalladayda ay ku dhameeysay khilaafka u dhexeeyay Sucuudiga iyo Qadar, wuxuu Boqorku intaas raaciyay “ in ay amiirka Dowladda Kuwayt guddoonsiin doonaan Billad sharaf lugu maamuusayo kaalintii uu ka gaystay dib-u-heshiisiinta waalalaha xurgufta kala gaartay.”

Ma aha markii ugu horraysay ee uu boqor Burhaan arrinka gacanka Carabta ka hadlo, bishii June ee 2017-kii ayay ahayd markuu bayaan ka soo saaray hardanka gacanka Carabta, uguna baaqay dhinacyada dirirtu ka dhaxeyso gogol nabadeed oo ay beesha Daarood u fidisay.