Video:-Dowladaha khaliijka oo si buuxda usoo afjaray khilaafkoodii

Qaadidda xayiraadda Qadar,ayaa qaadatay bilooyin dulqaad ah, iyadoo ay inta badan dhexdhexaadinta ay wadday Kuwait, balse dhowaan wuxuu cadaadis xooggan ka imaanayay Aqalka Cad.

Go’doomintii muddada saddexda sano iyo barka ahayd ayaa galaafatay dhaqaalaha Qadar.

Dadka Qadar ma cafin doonaan degdegna kuma iloobi doonaan waxa ay u arkaan dhabar ka toogasho ay ku sameeyeen walaalahooda kale ee reer Khaliij.

Imaaraatka Carabta,ayaa shaki weyn ka muujinaya in Qatar ay isbedel sameyn doonto.

Qatar arimaha lagu eedaynayay waxaa ugu weynaaa in ay taageerto argagixisada.

Xoogaga Gaza, Libya iyo Ururka Akhwaanul Muslimiin oo Imaaraatku u arko inuu khatar ku yahay ayay Qatar taageertaa.

Jibril Qoobey

Halkan ka daawo muuqaalka