Maanta dadkii ka soo qayb galay oo u badnaa shaqaalaha Dowlada Puntland iyo Baarlamaanka ay ku yabooheen in kabadan 10kun oo foosto.
Shirkadda Golis waxay ku yaboohday lacag dhan $200,000 dollar.
Waxaa goobta laga soo jeediyay xisaab celin wajigii 1aad ee mashruuca wadada waxaana ku baxday lacag dhan $10 Malyan oo dollar oo inta badan ay bixisay Dowlada Puntland.
Waxaa hada laqorsheeyay wajiga labaad ee mashruuca oo kukacaya lacag dhan $10 Milyan dollar waxaana ka soo qayb galayaasha munaasadaan ay ku yabooheen lacag ku dhaw $600,000 Dollar.
Masharuucaan oo ah mid iskutashi ah ayna dowlada Puntland hormuud katahay ayaa noqonaya mashruuc casharo badan laga baran doono.






