Muqdisho:-Safiiro cusub oo la magacaabay

Wasaarada Arimaha dibada Dowlada Fadaraalka Somaliya,ayaa magacawday Danjirayaal .

Xiliga lagu soo aadiyay marka la qiimeeyo waxay umuuqataa mid dano siyaasadeed laga leeyahay.

Somaliya horay waxay u awoodi wayday kharashaadka safaaradaheeda muhimka ah sida Qatar,Imaaraad,Sacuudi,Nayrobi,Turki iyo Adis-ababa.

Wax macno leh sooma kordhinayaan magacaabida Safiiro cusub,iyadoo kuwii hore ay biilaan dalalka ay la joogaan kuwana ay Xamar ku dayacan yihiin.

Maalmo ka hor waxaa Wasaarada Maaliyada Fadaraalka lagu arkayay Safiirka Adis-ababa Camey oo mudo ka daba wareegayay xoogaa kharash ah oo uu usaxiixay Madaxweyne Farmaajo.

Diblomaasiyada Somaliya waxay macno uleedahay Qofkii ganacsada ah oo isagu is kharashgareeya danahiisana ku fushada maqaamka iyo Xuubku Diblomaasiyada.

Jibril Qoobey.

Halkan ka akhriso…