Dadka garashadooda yaan lagu ciyaarin!!Abdirashid Jire

Dadka garashadooda yaan lagu ciyaarin!!

Maalmo hore jadwalka doorashadaa la soo dhajiyey wax ka shaqaynayay ma jirin.

shalay inta ay soo safteen ayey yiraahdeen qof danbe oo lala hadlayo ma jiro ee horaa loo soconayaa.

Saakay waxaan maqlayaa Midowga musharaxiintaan la kulmeynaa!!

Berrina meel kalaan aadeynaa ayey oran doonaan!!

Hadal uu Nin siyaasi ah oo midkood la hadlay ii sheegay shalay ayaan xusuustay..

Wuxuu weydiiyey maxaa idiinku kalifay hadaladan?

“War wax doorasho la yiraah ma jirtee Xabsi baan 48-saac ku jirnay sida kaliya oo aan ku soo bixi karnayna sidaas aad aragtay uun bay aheyde isu kaaya keena”Ayuu ugu jawaabay Ninkii.

Abdirashid Jire