Aqalka-sare oo Sharci daro ku tilmaamay magaxaabista uu sameeyay Madaxweynaha wakhtigu ka dhamaaday

MUQDISHO 14 FEB. 2021

Guddoonka Aqalka Sare ee BFS ayaa soo saaray go’aan ku aaddan Xeer Madaxwayne Lr. 357, laguna soo saaray todoba xubnood oo kamid ah Golaha Adeegga Garsoorka ee Dalka, xeerkaas madaxwayne wuxuu si toos ah u jabinayaa Qodobo si cad ugu qeexan Dastuurka KMG ah iyo Sharciga dhisidda Golaha Adeegga Garsoorka ee Dalka oo soo baxay 08/07/2014.

Haddaba, Xeer Madaxwayne Lr. 357 oo soo baxay 30/12/2020 malahan wax raad sharci ah oo ay xubnaha ku magacaabani si sharci ah ugu howlgeli karaan.

Twitter: – @AqalkaSare
Website:- www.senate.gov.so
Email:- Media@senate.gov.so