Jarmalka oo Mashaariic cusub ka fulinaya Puntland (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Qorshanyta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa arrimaha horumarinta Dowladda Jarmalka u qaabilsan Soomalia Mr Marius Rath.

Wasiirka xaange iyo Mr Marius Rath Ayaa ka wada hadlay Mashaariic ay Dowladda Jarmalku ka fulin doonto Puntland, Sida Mashruuca Beeraha iyo wax soo saarka, Balaadhinta Mashruuca Caafimaadka iyo Sidoo Hormarinta Farsamada gacanta oo ay ka fulin doonaan Magaaloyinka Garowe iyo Waaciye .

Labada Masuul ayaa intii uu socday kulanka hoosta ka xariiqay sidii loo dardar galin lahaa Fulinta Mashaariicda.