Guddiga farsada ee ku shirayay Baydhabo oo Shir ugu baaqay Madaxda

Guddiga Farsamada ee ka kala socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee ku shiray Baydhabo ayaa shaaciyay in xal laga gaaran qodobadii la isku hayay ee caqabada ku ahaa hirgelinta doorashada.

Guddiga ayaa sheegay in xal laga gaaray Arrimaha Gobalka Gedo, Guddiga doorashada Maamulka Somaliland, muranka Guddiga Guud ee Doorashada iyo Jadwalka doorasho, inkastoo aanay faah faahin qaabka xalka uga gaareen, iyagoo ku gaabsaday inay Madaxda la wadaageen.

Guddiga ayaa soo jeediyeen in shir isugu yimaadaan Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 18 bishan, balse ma aanay sheegin goobta shirka lagu qaban doono.