Mahad Salaad “Dambiyadii dagaal ee Jimcihii Muqdisho ka dhacay laguma dabooli karo beenta Dubbe”

Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah Golaha Shacabka BJFS ee waqtigiisu dhamaaday ayaa ka hadlay eedeymo uu saaka u jeediyay Dalka Imaaraadka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xil-gaarsiinta ah Cusmaan Dubbe, isagoona raalli galin ka siiyay hadalka Dubbe.

Mahad Salaad oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in Dowladaha carabta ay garab istaagteen xiliyadii aadka u adkaa Dadka Soomaaliyeed, ayna u ogsoon yihiin.

Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Mahad Salaad.

Raaligelin naga guddooma, dockayeer iyo dabadhilif dallaal u ah dowlado kalena yuusan idin niyadjebin!

Dadkii la laayay iyo dambiyadii dagaal ee Jimcihii Muqdisho ka dhacay laguma dabooli karo been iyo tororog Dubbe idaacadaha ka aqriyo. Waxaan mar kale ku celinaynaa in dambiileyaasha dagaal ee shacabka gumaaday shuruucda dalkana ku tuntay cadaalada si degdeg ah loo horkeeno.

Dowladaha Carabta walaalaha aan nahay ee loo gafay sharaftooda raaligelin ayaan ka siinaynaa aflagaadada, beenta iyo barobagaandada Farmaajo iyo kooxdiisa qaaqleyaasha ah soo dhoodhoobeen. Dadka Soomaaliyeed waa idiin ogsoonyihiin abaalka aad u gasheen iyo sidii gobonimada lahayd ee aad u soo garab istaagteen xiliyadii aadka u adkaa. Xasuus wanaagsan ayaanan idinkaga haynaa samaha aad noo gasheen. Waxaan idinka codsanaynaa in aysan idin niyadjebin dockayeer iyo dabadhilif dallaal u ah dowlado kale, dalkiisa iyo dadkiisana dambiyo dagaal ka galay.

Hon. Mahad Salad