Xubno uu horkacayo Farmaajo, iyo Wakiillada Beesha Caalamka oo kulan leh

Kulan u dhexeeya Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wakiillada Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo James Swan ayaa ka socda Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho.

Kulanka oo looga hadlayo xaalada cakiran ee ka taagan Muqdisho iyo Arrimaha doorashooyinka Dalka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.