Turkiga oo walaac ka muujiyay xaalada cakiran ee Soomaaliya

Dowladda Turkiga oo kamid ah dowladaha taageera DFS ayaa ka hadashay xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee dalka iyo khilaafka la isku mari la’yahay ee ka taagan qabsoomida doorashooyinka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay in Turkiga uu ka walaacsan yahay xaaladda ka dhalatay khilaafka ku hor gudban doorashada iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho.

Turkiga ayaa sheegay in muhiim ay tahay in dhammaan Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada heshiis nabadeed ka gaaran doorashada oo wax kasta oo jira lagu dhammeeyo wada-hadal laguna shaqeeyo niyad wanaagsan.