C/rixmaan C/shakuur oo bixiyay xogo badan oo ku geedaaman Heshiiskii xalay

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ka hadlay xogaha la qariyay ee ku geedaaman Heshiiskii ay xalay wada gaareen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah DFS Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharixiinta.

Akhriso qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Dad badan ayaa u arkayey in mudaaharaadku macno badan lahayn, ama uusan wax wayn goyn karin, sababtoo ah dhaqankeena awoodda qalafsan (hard power) ayaa ku xooggan. Iminkase waxaa dad badan u caddaatay in mudaaharaadku yahay awood dabacsan (Soft Power) oo xisaabta siyaasadeed wax wayn ka bedeli karta. Tani waa guul shacabka u soo hoyatay, mar haddii ay arkeen in dibadbaxyadu saamayn togan yeelan karaan.

Heshiiska shalay ee Decale lagu gaaray wuxuu billow u ahaa fulinta shuruudo ay dhigeen siimilay siyaasadeed uu Midowga Murashaxiinta ka mid yahay si loo helo doorasho daahfurnaan leh, loona dhan yahay, waxaase weli u harsan dhammaystir, oo ay ugu horrayso amniga doorashooyinka, furista masaaxada siyaasadda, iyo cida hoggaaaminaysa doorashooyinka.

Mudaaharaadkii ay ku baaqeen Midowgu waa sidiisii. Haddii awoodii diidanayd ay ogolaatay, laakiin in waqti la siiyo ay codsatay, ayuu Midowgu door biday in loo gogol badiyo si loo baajiyo dhib laga yaabo in uu dhici lahaa. Waxaa muhiim ah in hoosta laga xariiqo halista uu hoggaanka Midowgu u bareerayo ma aha mid uu damac siyaasadeed ku doonayo ama ku wada gaarayo, sababtoo ah si taas ka sahlan ayaa xil siyaasadeed lagu heli karaa.

Hoggaanka midowga iyo dibadbaxayaashuba waxay halista ugu bareerayaan kana go’an in shacabku xor u noqdo ra’yigiisa iyo cabbirkiisa siyaasadeed. Haddii miiska wadahadlka lagu xaqiijin karo in ay dadku xor u yihiin muujinta ra’yigooda siyaasadeed iyo tabashooyinka ay qabaan dibadbaxyo nabadeed, taageeri karaanna hoggaamiyihii ay doonaan mucaarad iyo muxaafad intaba waa guul wayn.

In tartanka siyaasadeed uu jawi nabadoon oo madani ah ku dhaco, siyaasaddana askaraynta iyo awood sheegadka laga saaro waa guul shacabka u soo hoyatay. Guusha waa in la wada ilaaliyo, sababtoo ah waa dan qaran oo aysan cidina gaar u lahayn.