VIDEO: Madaxweynaha Puntland oo furay Shirweynaha 4-aad ee Ururka Warbaahinta Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ka furay Shirweynaha 4-aad ee Ururka Warbaahinta Puntland ee (MAP), isagoona ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Saxaafaddu ay tahay isku xiraha Shacabka iyo Dowladda, loona baahan yahay inay qeyb ka noqdaan ilaalinta Xasiloonida iyo Hormarinta Bulshada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay in Xukuumadda uu hoggaamiyo ay ka go’an tahay la shaqeynta Saxaafadda, waxaana uu ugu baaqay Suxufiyiinta inay hormariyaan xirfadooda, ayna ka qeyb qaataan ilaalinta nidaamka dowladeed ee ay dhisteen dadka reer Puntland.