VIDEO: Madaxweyne Deni “Habbi kuma nihin halka Puntland TV uu joogo”

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo dhaliilay shaqada Puntland TV ee hormarinta deegaanada Puntland, ayaa sheegay in aysan ku faraxsanay shaqada Telefishinka Dowladda oo ah midka ku hadla Afka Xukuumadda.

“Puntland TT hortiina ayaan rabaa in aan ka qiro habbi kuma nihin meesha uu joogo Gudi khuburo ah baan u saarnay si ay uga soo talo bixiyaan” ayuu yiri Madaxweyne Deni oo ka hadlay furitaanka Shirweynaha 4-aad ee Ururka Warbaahinta Puntland ee (MAP).