VIDEO: Taliyaha cusub ee Booliska Gobalka Karkaar oo xilkii la wareegay

Taliyaha Cusub ee Qaybta Gobolka karkaar G/Sare Faarax Nuur Maxamed, ayaa Xilka kala wareegay Taliyihii hore ee Qaybta Gobolka Karkaar G/Sare Cabdi Casayr Yuusuf.

Munaasabadda Xil-wareejinta Waxaa ka qayb-gallay Xildhibaan Cabdirashiid Afguduud, Maamulka Gobolka Karkaar, Kan Degmadda Qardho, Taliska Ciidanka, Madax ka tirsan Dawladda Puntland iyo Marti-kale ayaa ka qayb-gallay.

Waxaa si wada-jir ah loo sagootiyay Taliyihii hore oo laggu amaanay shaqadii uu soo qabtay, waxaa lasoo dhaweeyay oo sidoo kale lala dardaarmay Taliyaha Cusub ee Qaybta Gobolka Karkaar.