VIDEO: Xasan Sheekh “Waxaan idinku dhiiri-galinaynaa diidmada Dictatornimada”

Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta la hadlayay Boqolaal kamid ah taageerayaashiisa ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu carqaladeynayo wada-hadalada Midowga Musharixiinta iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Sidoo kale, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhiiri-galisay taageerayaashiisa inay soo xaadiraan Bannaan-baxa loo balansan yahay 6-da bishan Maarso oo ku beegan sabtida soo socota, si looga hortago nidaamka Kali-talisnimada ee Dalka ka socda.

“Waxaan xeerineyno, aanna idinku dhiiro gelineyno ee ku aadan diidmada Dictatornimada, annaguna aan u taagannahay waa waxa maanta saxda ah, berina sax ahaan doona” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud