Turkiga oo ka hadlay Qarax Ismiidaamin ah oo xalay ka dhacay Muqdisho

Dowladda Turkiga ayaa cambaareeysay Qarax Ismiidaamin ah oo xalay lagu qaaday Maqaayadda Luuley Yamani ee Magaalada Muqdisho, kaas oo sababay geerida dad ka badan 10 Ruux, dhaawaca 30 kale.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin qaraxaas, isla markaana ay ka tacsiyadeeynayaan dadki ku dhintay qaraxaas

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkan foosha xun ee argagaxiso waxaanan tacsi u direynaa shacabka walaalaha ah iyo Dowlada Soomaaliya. Waxaan u rajeynaynaa naxariista Eebbe korkiisa kuwa naftooda ku waayey,waxaana u rajeeyneynaa caafimaad deg deg ah kuwa dhaawacmay, Waxaan mar kale carrabka ku adkeyneynaa inaan sii wadi doonno garab istaagga dadka walaalaha ah e Soomaaliya ee dagaalka ay kula jira argagixisada ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay Turkiga.

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxaas ay ku dhinteen 10 Ruux  30 kalena ay ku dhaawacmeen, waana markii labaad ee qarax lagu weeraro Maqaayada Luul Yemeni, waxaana mas’uuliyada qaraxa sheegtay Al-Shabaab, iyaga oo sheegay inay la beegsadeen Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.