Madaxweyne Deni oo hambalyo u diray Haweenka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa hambalyo ku aadan xuska 8-da Maarso oo ah maalinta caalamiga ah ee Haweenka u diray Haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan Haweenka Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay Haweenka jooga furimaha hore, sida gabdhaha kujira Ciidamada iyo Dhakhaatiirta ka hortegaysa caabuqa COVID-19.

“Hambalyo maalinta Haweenka 08, Maarso. Waxaan u hambalyaynayaa haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan Haweenka Puntland, kuwooda jooga furimaha hore, sida gabdhaha kujira Ciidamada iyo Dhakhaatiirta ka hortegaysa caabuqa COVID-19″ ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Madaxweyne Deni.