Muuse Biixi “Shacbiga Muqdisho iyagaaba afduuban” (VIDEO)

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Khudbad-Sannadeedka Dastuuriga ah u jeediyay maanta Baarlamaanka Somaliland, isagoona diirada ku saaray arrimo badan, sida Doorashooyinka, Amniga, Dhaqaalaha, Siyaasadda, iyo xaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa eedeeyn kulul u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu sheegay inay caqabad ku tahay Somaliland, isagoona sidoo kale digniin u diray Siyaasiyiinta Gobalada Waqooyi ee ku sugan Muqdisho.