Sidee u socotaa shaqada Dekedda magaalada Boosaaso ? (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey dekedda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Wasiirka waxaa kormeerka ku weheliyey Wasiirka Warfaafinta Mudne Cabdullaahi Xirsi timacade, Maamuulaha Furadda Maxamed Yuusuf iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan dawladda.

Masuuliyiintan ayaa tagay goobaha shaqadu ay ka socto maamulaha furdada ayaa Wasiirka warbixin ka siiyay qaabka ay u socto shaqo maalmedka we dhanka cashuurta badeecooyinka.

Kulan ka dhacay Xafiiska Wasiirka Maaliyadda ayaa looga hadlay hawlaha shaqo ee dekedda waxaana ka qayb galay Wasiirku xigeenka Dekedeha Yaasmiin Cartan.