Tirada dadka ku dhintay Qaraxyo ka dhacay Equatorial Guinea

Qaraxyo is xigxigay oo ka dhacay xero milatari oo ku taal Equatorial Guinea ayaa waxaa ku dhintay  ugu yaraan 20 qof, halka in ka badan 600 oo kalena ay ku dhaawacmeen, sida laga soo xigtay Massuliyiinta Caafimaadka.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa war ay soo saartay   ku sheegtay in dab ka kacay bakhaar hub lagu kaydiyo, kaasi oo  sababay qaraxyada rasaasta noocyadeeda kala duwan. Waxay sheegtay in tirada rasmiga ee la haayo  ay tahay 20 dhimasho ah  iyo 600 oo dhaawac ah, iyada oo intaa ku dartay in sababta qaraxyadan si buuxda loo baari doono.

Mar sii horreysay, Wasaaradda Caafimaadka Equatorial Guinea ayaa ku soo qortay barteeda twitter-ka in 17 ku dhinteen goobta halka qoraal kasoo baxay  madaxweynahana  lagu xusay 15 qof oo dhimasha ah.

Telefishinka dowladda oo tagay gobta waax ka dheceen ayaa laga daawaday qiiq aad u fara badan oo kor uga baxaya goobta ay wax ka dhaceen oo holceysa, iyada oo dad badan ay ku qeylinayaan “ma ogin waxa dhacay, wajiyadoodane ka muuqatay qal-qal aad u fara badnaa.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa baaq u dirtay dhiig-bixiyeyaasha iyo shaqaalaha caafimaadka ee mutadawiciinta ah ayaa fartay dadka in ay aadaan Isbitaalada, gaar ahaan isbitaalka Gobolka de Bata, oo ka mid ah seddex isbitaal oo lagu daweeynayo dhaawacyada.

Qaraxyadu waxay naxdin ku noqdeen waddankaan saliidda hodanka ku ah ee Bartamaha Afrika. Wasiirka arimaha dibada Simeon Oyono Esono Angue ayaa la kulmay safiirada wadamada dibada wuxuuna ka codsaday gargaar.

“Waxaa muhiim noo ah inaan weydiisanno dalalka walaalaha ah kaalmahooda xaaladan murugada leh maaddaama aan heysano xaalad degdeg ah oo caafimaad (sababo la xiriira Covid-19) iyo musiibadii ka dhacday Bata,” ayuu yiri.

Equatorial Guinea, waa dal yar oo Galbeedka Afrika ku yaal oo ay ku nool yihiin 1.3 milyan oo qof oo ku nool koonfurta Cameroon, wuxuuna  gumeysan jiray Dalka Spain illaa ay xorriyadda ka qaadatay 1968-kii.