VIDEO: Kheyre oo ka hadlay sababtii ay isku khilaafeen Farmaajo

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay sababta keentay inay is khilaafaan isaga iyo madaxweynaha waqtigu ka dhamaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, taas oo keentay in Kheyre xilka laga qaado.

Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in la isku qabtay ‘aan qabano doorasho xalaal ah’ oo aan ciidan iyo xildhibaano musuq lagu soo xulay aan lagu boobin.

“Waxaan aad maqleysiin ee la isku heysto wax kale maaha, waa ma doorasho cadaalad ah ayaa dalka laga qabanayaa mise doorasho boob ah, anigu waxaan u taaganahay Soomaaliya oo soo ceshata sharafteedii, waxaan rabaa Soomaaliya in laga hir-geliyo axsaab siyaasadeed, si dhalinyaradu u soo doorato qofka hoggaanka u qabanaya,” ayuu yiri Kheyre.