Ciidanka Puntland oo soo bandhigay meydad iyo maxaabiis kale oo Al-Shabaab ah (VIDEO)

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland ayaa maalintii afaraad ku jira howlgallo ka dhan ah Argagixisada oo ka socda Buuraleyda Gobalada Bari iyo Sanaag, kaddib Weerarkii jimcihii Al-Shabaab ay ku qaaday xabsiga weyn ee Magaalada Boosaaso.

Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay inay cagta mariyeen kooxdii soo weerartay xabsiga, ayna badi dileen maxaabiista kasoo qabteen, kuwaas oo ay kusoo bandhigeen dhulka Buuraleyda.

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=10159119981846878&id=742346877

Sidoo kale, Saraakiisha ayaa sheegay inay Ciidanku kusii siqayaan dhulka Buuraleyda ah ee fog, oo la aaminsan yahay inay Argagixisadu ku lee dahay Saldhigyo ay ku dhuumaaleystaan.

Cutubyo kamid ah Ciidanka u tababaran ka dagaalanka Buuraha ee Daraawiish-ta Puntland ayaa shalay loo daabulay lagaga howlgaladu ka socdaan, waxaana la filayaa inay u sii gudbaan Buuraleyda durugsan.