Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkii Xalane

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay in ay ka dambeeyeen Hoobiyayaal maanta lagu tuuray xarunta Xallane oo ah saldhigga Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay lix Hoobiye ku weerareen Xallane, balse ma sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkas.

Weerarkaan ayaa kusoo beegmay xilli Xallane uu ka dhacayo shir dhexmaraya Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada, kaas oo go’aan looga gaarayo doorashooyinka Soomaaliya, ayna garwadeen ka yihiin Qaramada Midoobay, UK iyo Mareykanka.

Lama oga in madaafiicda ku dhacday xallane ay saamayn ku yeelan karaan shirka madaxda Soomaalida ku yeelandoonaan.