Ergada Soomaaliya oo la kulmay Kaaliyaha sare ee Maxkamadda ICJ (VIDEO)

Ergeda Soomaaliya uga qayb galeysa Maxkamadda Caddaaladda Aduunku ee uu hoggaaminayey Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa kula la qaatay Kaaliyaha Sare ee Maxkamada Caddaaladda Adduunka Mr. Philippe Gautier.

Kulankan ayaa ku saleysnaa dhammaystirka diyaar garowga soo bandhigdda garanqsiga Soomaaliye ee ku aaddan dacwadda.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixinaya kulankii maanta ay la yeesheen Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, isagoo tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay si buuxda ugu diyaar garoowday soo bandhigidda dacwaddeed a oo socon doonta inta u dhaxaysa 15-24 bishan Maarso.