Waddooyinka Muqdisho oo maanta wada xiran (Sawirro)

Qaar kamid ah Waddooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta sabti ah xiran,iyadoo isgoysyada la dhigay ciidamo iyo gaadiid dagaal.

Dadka Shacabka iyo Gaadiidka ayaa Ciidammadu u diidayaan inay maraan Waddooyinka, waxaana jira culeys fara-badan oo Shacabku iyo Dadka shaqeeya ay ka cabanayaan.

Lama oga sababaha maanta loo xiray waddooyinka, waxaana la hadal hayay shirka ka bilaabanaya magaalada Muqdisho ee u dhaxeeya DFS iyo Dowlad Goboleedyada in loo xiray waddooyinka.