ICJ oo mudeysay Dacwadda Badda Somalia ee Kenya muranka galisay

Maxkamadda Cadaaladda Aduunka (ICJ) ee fadhigeedu yahay magaaladda Hague ee dalka Netherlands ayaa maanta markale muddeysay dhageysiga ugu dambeeya ee galdacwadeedka badda Soomaaliya ee Kenya muranka galisay.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda xil-gaarsiinta Soomaaliya, Mahdi Maxmed Guuleed oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook, ayaa sheegay in dhageysiga gunaanudka uu qabsoomi doono maalinta berri ah oo ku astaysan 18 Maarso 2021.

“Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ayaa berri galab 03:00pm xilliga Hague dhagaysanaysa gunaanadka Dacwadda Baddeena ee inagala dhaxaysa Kenya” ayuu yiri Mahdi Maxamed Guulleed Khadar.

Sidda ay wararku sheegayaan, go’aanka muddeynta dhageysiga ugu dambeeya ee dacwadda ayaa ka dambeeyay markii ICJ ay ku gacanseyrtay dalab kale oo ka yimid Kenya.

ICJ ayaa lagu waddaa in fadhigan kadib ah soo saarto xukunka ugu dambeeha ee kiiskan soo bilowdey August, 2014- go’aanka u dambeeya wuxuu soo bixi karaa ugu yaraan 6 ama 7 bilood kadib mana lahan wax racfaan ah.