Wasiir Dubbe “Shirka maanta wuxuu ahaa is laab xaarashada Madaxda” (VIDEO)

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Cismaan Abuukar Dubbe, oo Shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inuu maanta ka furmay Teendhada Afisyooni shir u dhexeeya DFS iyo Dowlad Gobaleedyada, kaas oo horu-dhac u ah Shirka go’aan ka gaarista Arrimaha Doorashooyinka.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in Shirka oo aysan kasoo qeybgalin Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, uu ahaa is laab xaarasho iyo Is-xogwareysi dhexmaray Madaxda ka qeybgashay.

“Shirka maanta oo bilowday 9 subaxnimo, wuxuu ahaa islaab xaarasho iyo xogwareysi ay yeesheen Madaxda ka qeybgashay, waxaana ka maqnaa Madaxda Puntland iyo Jubbaland” ayuu yiri Wasiir Dubbe.