Qaramada Midoobay oo ku baaqday Shir loo dhan yahay

Qaramada Midoobey oo ka hadashay shirkii maanta ee madaxda qaar ayaa ku baaqday in hoggaamiyayaasha Soomaalidu yeeshaan kulamo aan toos ahayn si bay dheheen laysugu yimaaddo shir loo dhan yahay oo lagu hirgalinayo heshiiskii 17-September.

Halkaan Hoose ka Akhriso qoraalka QM.

“Qaramada Midoobay waxay ka war haysaa kulanka maanta ee horudhaca u ahaa Shirka la qorsheeyay inuu Muqdisho ku qabsoomo oo qayb ahaan ay goob jog u ahaayeen Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka”

“Qaramada Midoobay ku baaqaysaa kulamo aan rasmi ahayn oo dheeraad ah, si loo xajiijiyo kasoo qaybgakii loo baahnaa oo ah mid dhamaystiran, si is afagarad looga gaaro fulinta qaabka doorasho ee 17-kii September.”