C/rashiid Janan iyo Fahan Yaasiin oo kulan haatan leh

Wasiirkii hore ee amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan iyo Agaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin ayaa haatan waxaa uu kulan Albaabada u xiran yihiin uga socdaa degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.

Fahad Yaasiin iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayay ayaa maanta gaaray degmada Doolow, iyagoona uga sii gudbay dhinaca Balad-xaawo oo uu tegay Cabdirashiid Janan, sida ay sheegayaan wararka la helayo.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka u socda Fahad iyo Janan uu dhameystir u yahay heshiis dhexmaray dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Janan, waxaana la filayaa in C/rashiid Janan galabta la keeno Magaalada Muqdisho.